AC Milan oo garoonkeeda Sansiro si xun ugu jiiday Kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa ku kuftay garoonka Sansiro, kadib guuldaro xanuun badan oo ay kala kulantay Kooxda AC Milan oo 7-jeer ku guuleysatay Koobka Champions League, kadib markii 2-gool iyo waxba looga adkaaday.

Ciyaartoyda AC Milan ayaa kubad is-biirad leh garoonka ku soo galay, iyagoo si gaar ah isaga ilaalinaya ciyaaryahan Lionel Messi oo cagta cagta loo saaray.

Daafacyada Milan sida Mexes, Zabata iyo Constant ayaana aamusiyay Lionel Messi oo meel uu kubad ka bilaabo garan waayay, markii dhuunta loo galay.

Barcelona ayaa kubada in badan heysatay, waxaase ay aad uga adkaatay inay fursado ku dhex abuuraan goolka Milan, waxaana daafacyada da’da yar ay u muuqdeen kuwo si weyn uga feejignaa.

Ciyaaryahan El Shaarawy ayaa kubad halis aheyd ka helay markii baas qatar loo dhex bixiyay, hase ahaatee uu iska hor mariyay, waxaana ka bixiyay ciyaaryahan Puyol.

El Shaarawy ayaana mar kasta ahaa qal qal geliyaha goosha Barca, waxaana mar kale uu helay fursad, markii kubad uu u tuuray Boateng ay lugtiisa gaari weysay, waxaana gacanta ku dhigay Goolhaye Valdes.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ku idlaatay bar bar dhac goolal la’aan, iyadoo Barcelona ay inta badan kubada ay heysatay, inkastoo Milan ay daafac adag ku jirtay.

Daqiiqadii 57aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Milan waxaa gool u dhaliyay ciyaaryahan Boateng, markii darbo uu soo tuuray Montolivo ay gacanta kaga dhacday Zapata, hase yeeshee aanu garsooraha dhigin, waxaana sideeda oo darbo ah goolhayaha daba mariyay Boateng.

Barcelona ayaa marar badan isku dayday inay hesho goolka bar baraha, hase ahaatee wax walba waxay ku dhamaanayeen natiijo la’aan, waxaana daafacyada Milan oo ahaa mid ku dhisnaa qaab is difaacid iyo weerar fakatay ah, ayaa suura gelin weyday inay sahal ku dhaafaan daafacyada Milan.

Mar kale ayaa Milan waxay heshay goolkeeda labaad oo noqday mid rajo weyn geliyay, waxaana daqiiqadii 81aad u saxiixay ciyaaryahan Sulley Ali Muntari, kaasoo si wanaagsan goolhaye Valdes dhinac uga daba mariyay kubad uu si qurux badna ugu dhigay El Shaarawy.

Xidigaha u dhashay Ghana ee Prince Boateng iyo Muntari ayaana ahaa geesiyaasha Milan ee guusha weyn u suura geliyay inay ka gaaraan lugta hore ee wareega 16-ka ee Champions League, markii ay dhaliyeen labada gool ee guusha ku raacday.

Lugta labaad ee wareega 16-ka ayaa waxay ka dhici doonta Garoonka Nou Camp oo ay Milan u safri doonto, iyadoo Rossoneri ay u muuqato inay hal lug la gashay wareega 8-da.

Dhinaca kale ciyaarta labaad ee wareega 16-ka Champions League ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha Galatasaray oo reer Turki ah iyo Schalke 04, waxaana ay ku kala baxeen gool iyo gool, iyadoo goolka ay ku hormartay Galatasaray oo uu u dhaliyay Burak, halka Schalke uu u bar bareeyay Jones.

article-2281195-18263EDF000005DC-989_634x436