Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Kenya(Sawiro).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka madaxtooyada Kenya kula kulmay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa cusub William Ruto.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo adkeynta nabadda iyo ammaanka.

Muddadii uu socday kulanka, madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa u xaqiijiyay madaxweynaha Soomaaliya in Kenya ay sii wadi doonto la sii shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda iyo ammaanka.

Uhuru Kenyatta waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo dhinaca kale sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan danaha khuseeya labada dal iyo tan gobolka guud ahaan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa intaas ku daray in dhowaan si deg-deg ah loo howlgelin doono Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) oo qeyb ka ahaa heshiis horey u dhex maray labada dal, isagoo sheegay in hirgelintiisu ay dan ugu jirto labada dal.

Isagoo ka hadlayay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, Uhuru wuxuu sheegay in doorka keliya ee ciidanka Kenya uu yahay sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo ammmaanka gobollada ay ka joogaan Soomaaliya.

Uhuru wuxuu kaloo soo hadal-qaaday arrinta dib u dejinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya, wuxuuna shaaciyay in labada dal ay isugu imaan doonaan kulan heer madax ah oo la qaban doono xilliga ugu habboon si looga baaraandego dib u dejin habeysan oo loo sameeyo qaxootiga Soomaalida iyo guud ahaan arrimaha khuseeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa u xaqiijiyay madaxweynaha Kenya inuu ku rajo weyn yahay in dowladdiisa ay ku guuleysan doonto soo celinta ammaanka, nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in nabad ka dhalata Soomaaliya aaney keliya dan ugu jirin dowladdiisa iyo shacabkiisa, balse ay dan ugu jirto Kenya iyo dalalka deriska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ku laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qeyb-galay xafladda lagu dhaariyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka qeyb-galeen madax kale oo Afrikaan ah.

Kulanka-Uhuru-iyo-Xasan