Holland: Nin Soomaali oo ah Muqdisho lagu celin lahaa oo dib loo dhigay.

imagesMaxkamada ku taal dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay ka hortimid oo ay gaashaanka ku dhufatey nin Soomaali qaxooti ah oo dib loogu celin lahaa maalintii shalay ahayd magaalada Muqdishu ee dalka Soomaaliya iyadoona uu ninkaas hada ku sugan yahay dalka Holland.

Ninkaan Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacin ayaa waxaa la sheegay inay maxkamadu u cuskatey inuu ninkaasi uu anbiil ka qaatey dacwadiisa diiditaanka ahayd ee loo diiday in lagu siiyo sharciga taas oo  maxkamadu  go’aamisay inuu ninkaasi uu ku sugo jawaabta dacwadiisa waxay noqoneysa dalka Holland taas oo macnaheedu yahay inaan ninkaas dib loo celin karin ilaa ay arintiisu meel u dhacayso oo laga gaaraayo go’aanka dacwada u maqan arintaas oo ninkaas u ah mid uu ku farxi karo maadaama ay maxkamadu diiday dib u celintiisa, Laakiin kiiska labaad oo ah qof kale oo Soomaali ah oo asagana la damacsan yahay in lagu celiyo magaalada Muqdisho maalinta sabtida ah ee soo socoto ayaan wax shaqo ah kulahayn go’aanka ay maxkamadu ku diiday in ninkaan lagu celiyo dalka Soomaaliya.


Ugu dambeyntiina iyadoo kiiskaas ninkaan ay maxkamadu ugu dambeyntii hor istaagtey ayaa sidoo kalena waxaa laga yaabaa in qofka la celinaayo asagana maalinta sabtida ah ee soo socoto asagana loo bilaabo prosees ama dacwad cusub oo baajin karto celintiisa si looga horago in asagana la celiyo, wasiisrka qaxootiga dalka Holland Fred Teevan ayaa ku adkeysanaayo inay magaalada Muqdishu tahay meel nabad ah oo qaxootiga loo celin inkastoo xaghaya guud ee laanta qaxootiga aduunka Antonio Guterres uu dhawaantaan ka codsaday dowlada Holland inaysan dad Soomaali ah u celin magaalada Muqdishu oo uu ku tilmaamay mid aan nabadeeda la isku haleyn karin, dalka Holland ayaa laga soo bilaabo 2010 wax qaxooti ah oo Soomaali ah aan dib ugu celin dalka Soomaaliya.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com.