Hay’adda Human Rights Watch oo Dowlada Holland u Digtay.

11121Hay’adda caalamiga ah ee Human Rights Watch ayaa dowlada Holand uga digtay iney dib u celiso Qaxooti Soomaali ah oo dalkeeda jooga ka dib markii ay u diiday iney siiso sharciga magangelyada ee dalkaas lagu joogo.
Qoraal ka soo baxay xarunta heyaddaas oo ku taala dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in koonfurta Somalia ay ka jirto xaalad amaan oo aan la isku haleyn Karin sidaas awgeedna aan lagu celin Karin dadkaas oo markii horeba ka soo cararay amaan daro.

“Koonfurta Somalia waxaa weli ka taagan xaalado amaan daro Al-shabaab weli meelaha qaar ayey joogaan, meelaha laga saarayna waxay ka geystaan dilal, qaraxyo iyo weeraro kale oo dhuumaaleysi ah sidaas awgeed maaha meel nabad buuxda ay ka jirto oo dadka lagu celin karo” ayey qoraalkeeda ku tiri Human Rights Watch.

Xukuumada Holland ayaa laba sano ka hor joojisay siyaasadeediiku saabsaneyn inay qaxootiga sharciga loo diidayku celiso Soomaaliya, hase ahaatee sannadkii hore aakhirkiisii ayaa dowlada dalkaas ay go’aansatay iney dib u celiso.

Dad Soomaali ah oo la doonayey in laga soo tarxiilo dalka Holland maalintii shalay ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay la joojiyey ka dib markii uu amar ka soo horjeeda in dadkaasi soomaaliya loo soo tarxiilo uu ka soo baxay maxkamad ku taala dalkaasi.

Sida warku sheegayo Maxkamadda waxay joojisay Subaxnimadii Arbacadii masaafurinta nin magan gelyodoon ah oo Soomaali ah, waxayna Maxkamaddu go’aankeeda u cuskatay waxa loogu yeero, xaalad ku meel-gaar ah, waxaana maxakamddu oggolaatay in masaafurintii dadkaasi soomaalida ah looga noqday si ku-meel-gaar ah.