Difaaca Nabigeenii Suubanaa Waa Ku Waajib Muslimiinta oo Dhan.

Mohamed_-SCWMaqaalkan waaa Mid aan kaga hadlayo Difaaca Nabiga Suuban waa ku waajib Muslimiinta kaasoo aan horay uga soo hadlay in Dadka aflagaadada sameynayaa ay ka caraysan yihiin kororka iyo Horumarka dacwada Islaamka ka sameysay Wadamo ka baxsan Dunida Muslimka.

Waxaan Maqlaakan kusoo bandhigi doonaa sababaha keenaya in Diinka Islaamka dhaqso u faafo dadka Caalamka oo dhana ugu dhaga nuglaadaan, maadama  Nabiga Suuban Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeelee kuwa aflagaadaynaya ay ka acaraysan yihiin arintaan islamarkaan ay ka badin waayeen inay dacaayado Ka fidiyaan Islaamka iyo Muaqadaaska Musliinta.

Si aan u ogaano Diinkan Islaamka sababta loo dacaadeynayo inay tahay caro iyo naceyb ka dhashay wanaaga Diinkan iyo Sharftiisa maadama uu ka duwan yahay kana wanaagsan yahay dhan kasta Diiimaha Caalamka ka jira oo dhan ayaan waxaan isbarbardhigi doon Islaamka iyo Diimaha Caalamka ka jira gaar ahaan Diinaha ay aaminsan yihiin Yuhuuda iyo Nasaarada.

1.1- Diinka Islaamaka waa Diinka Kaliya eee Kitaabkiisu uu ka nabad galay faragalin Dad iyo Dayacaad ayadoo laga joogo hada 1400 sano in ka badan xiligii Kitaabkiiisa lasoo dajiyay, halka Diimahii ka horeeyay ee Ahlu Kitaabka ay ku dhacday faragalin dad iyo Dayacaado fara badan Duruufo soo maray darteed.

A- Beybalada Yuhuuda ay hada haysato waxaa ku dhacay faragalin badan sida ay qirsan yihiin aqooonyahankooda, sidoo kalana Asalkiisiiba waa dhuimay sida ay qirsan yihiin waxaana taas kaaga marqaati kici kara sida ay isu khilaafsan yihiin Kitaabada ay kala aaminsan yihiin Kooxaha Yuhuuda Caalamka maanata jooga maadaama Qoraalada Beybaladooda iskhilaafsan yihiin.

Yuhuud keyd ahaan Diinkooda waxaa heyn jiray Culimadooda loomana ogoleyn inuu gacmaha dadka caadiga ah galo waxaa uuna Diinkooda Qoraal ahaan ku keydsanaan jiray Macbadyadoodii ay dhisteeen markii ay Masar kasoo guureen oo ay dageen Dhulka barakeysan, xiliyadii ka horeeyay Duulamadii lagu qabsaday dhulkooda lagumna baabi’iyay Boqortooyooyinkoodii laguna gubay Kitaabadoodiii ay ku qornaayeen Qoraaladii saxa ahaa ee laga dhaxlay Nabiyadii isdaba joogay ee Reer Banuu Israaiil laga soo saari jiray.

Sanadkii 586 waxaa qabsaday dhulkii Yuhuuda Boqorkii Baabiliyiinta ee loo yaqaanay Bukhtunisar kaasoo gubay Macbadyadiii Yuhuuda ku keydin jireen qoraalo ka mid ah Towraadkii maadama aysan jirin cid dul ahaan wada xifdisan.

Sanadkii 722 waxaa qabsaday Boqortooyadii Aashuriyiinta Dhamaan dhulkii Yuhuuda daganeyd ayagoo cagta mariyay Boqortooyooyinkii iskhilaafsanaa ee Yuhuuda.

Sanadahaas ka dibna waxaa jiray Duulaamo ay Giriiga ku qaadi jireen Yuhuuda meelaha ay dagan yihiin ilaa lagasoo gaaray Duulaankii ugu Dambeeyay ee Roomaanka ku qabsadeen Dhulkii ay Yuhuuda daganeyd kuwaasoo galiyay Gumeysi aad u adag aadna u qalafsan, xataa Nabi Ciise Nabad korkiisa ha ahaatee waxaa uu dhasahay ayadoo Roomaanku gumeysto Dhulkaas.

Waxaana intaas dheer in in Culimadii Yuhuuda ka hor inta aan la qabsan iyo ka diba wax badan oo hawadooda khilaafsan ka badaleen Kitabkooda si uusan u khilaafin rabitaankooda iyo rabitaanka Madaxdooda, waxaana arimahaas marqaati kac u ah in ay Dadka Yuhuuda ah iyo Madaxdooda marar badan dili jireen Nabiyadii laga soo dhex saari jiray .

Sidaa darteed ayuu Illaah Quraanka ku sheegay inay Israaiiliyintu si aad u qalafsan una fool xun ula dhaqmi jireen Rusuuladii loosoo diray ayagoo qaar dili jiray qaarna beenin jiray; waayo waxa ay u arkayeen Rususha inay ka hor imaanayaan Dooqooda, maadaama Rasuulada ay ugu yeeri jireen Israaiiliyiinta inay ilaaliyaan Toowraadka Shareecada ku qoran kana haraan Naftooda waxyaabaha ay Rabto ama madaxdooda ay u jideynayso.

Suurada Al-Baqra Aayada 87aad: {..Markastoose uu idiin la yimaado rasuul waxaan Naftiinu jeclayn [Xaqa] koox waad beenisaan kooxna waad dishaan}.

Nacaybka ay xaqa u qabeen iyo dhibsiga ay Xaqa dhibsanayeen ayaa ku kalifay inay door bidaan inay dilaan Nabiyaal iyo Rusul fara badan qaarna aflagaadeeyaan oo beeniyaan, waxaana intaas u dheer Nabiyadii ay raaceen ama rumeeyeen xataa sida Nabi Muuse waxa ay marsiiyeen dhibaatooyin aad u fara badan waxayna ula dhaqmeen si aad u fool xun waxaana uu geeriyooday Nabi Muuse Nabad korkiisa ha ahaatee ayagoo amarkiisa diiday oo Ciqaabkii Tiiha 40ka sano ahaa ku jira.

Sidaa darteed ayay Yuhuuda Culimadooda iyo Madaxdooda markasta waxay isku dayi jireen inay Diinkii Xaqa ahaa ee uu kaga tageen Nabi Muuse iyo Nabiyadii ka dambeeyay waafajiyaan rabitoonkooda taasoo sababtay inay wax badan ka badalaan si ula kac ah amaba dantuba baylihisay Qoraaladii dhabta ahaa ee Kitaabkoodii hore ku qornaa xiliyadii la gumayasan jiray.

Sidaa darteed ayuu Allaah Quraanka ku cadeeyay inay qaarkood Kitaabka gacantooda ku qorteen ayagoo ka dhigaya aWaxyi Rabi ka yimid inuu yahay sida ku cad Suurada Aala Cimraan Aayada 78aad: {Waxaa ka Mid ah (Yuhuuda) Koox ku leexisa Carabkooda Kitaabka (Qur’aanka) si aad ugu maleysaan Kitaabka, kana Mid ma aha Kitaabka waxeyna Dhihi Aasaga wuxuu ka ahaaday Eebe Agtiisa, kamana ahaanin Eebe Agtiisa waxeyna ku Dhihi Eebe Been, iyagoo Og}.

Iskusoo wada duube arimahaas oo dhan waxay marag u yihiin in aysan saafi aheyn Beybalada Yuhuuda maanta joogtaa aaminsan yihiin maadama ay soo gaareen dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay iyo kuwa kasii badan.

Marka Diinka Islaamka waa Diinka kaliya ee Kitaabkiisu Xifdismay kana badbaaday in la faragaliyo ama waxlagu darao ama laga jaro taas ayaana ka dhiagaysa kan ugu Muqadasan ee Caalamkan Maanta aan joogno.

Hadaba hadii aad ogaatay inuu Islaamku yahay Diin Xaq ah kana wanaagsan Manhaj ahaan Diin kasta oo Caalamka ka jirta hala yaabin inuu yeesho cadaw joogta ah oo Dagaal bareer ah ama mid Dadbanba kula mashquulsan; waayo suuragal ma aha Diin Xaq ah inuu cadaw yeelan waayo sidaba ku cad taariikhda Nabiyada oo dhan.

Nabi kasta oo Caalamka soo maray Nabi Muxammad ka kor Nabad iyo Naxariis korkooda ha ahaatee waxay lahaan jireen Cadaawo Diinkooda la dagaasahan Cadawgooduna waxaa uu beegsan jiray Nabiga Diinka wada shaqsigiisa ayagoo dacaayadeeynaya si ay Diinkiisa u dumiyaan.

Arimahaas oo dhan waxaan uga gol-leeyahay inaan muujiyo sababta ay u dacaayadeynayaan Nabi Muxamad Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeleee inay tahay beenin Diinta Islaamka ay beeniyeen iyo Shaki galin Xaqiisa cad ee Calamka ka hana qaday sidaa darteed ayay waxaay u hadal ekaadeen Gaaladii ka horeysay ayagoon aan isku qarni aheyn waxayna Nabi Muxammad ku sheegeen wixii Xumaan ahaa ee Gaaladii hore Nabiyadooda ka sheegi jireen sidaa darteed ayuu Allaah Quraanka ku sheegay Aayado si gaar u sabarsiiinaya Nabiga Suuban laguna amrayo inuu ku sabro Dacaayadooda maadama kuwii ka horeyayba la beeniyay lana aflagaadeeyay.

B- Masiixiyada Asal ahaanba ma aha Diin ka madax banaan tan Yuhuuda mana aha Sharci ahaan kuwa u taagan gaar, maadama Nabi Ciise uu ahaa Nabi Israaiiliyiinta loo soo saaray Kitabkiisuna ahaa dhameestirkii Toowraadkii Yuhuuda, sidaa darteed ayaa Dhaliisha gaartay Kitaabka Yuhuuda mid la mid ah u gaartay Masiixiyada oo aaminsan isla Kitaabadaas an kor kusoo sheegnay.

Waxaan taas usii dheer Masiixiyiinta in aysanba fursad u helin inay Diiwaaniyaan Kitaabkii Nabi Ciise ee Injiilka duruufo badan dartood, taasoo ay ugu weyneyd in Nabi Ciise markii lasoo saaray Diinkiisana soo bandhigayay ay Israaiiliyiintu ku jireen Gumeysigii Roomaanka kaasoo Nabi Ciise u arkayay inuu yahay Caqabad doowladooda iyo Mucaarad kusoo socda,

Waxaa kaloo jiray Culimadii Yuhuuda ee Xiligaas joogay badankood ee beeniyay Nabi Ciise inay aad ugu Guubaabiyeen Roomaanka inuu Talaabooyin adag ka qaato Nabi Ciise ayagoo ku guulguulay inuu yahay Mucaarad kacdoon weyn ku sameyn doona Boqoqrtooyada Roomaanka.

Arintaas ayaa sababtay in Roomaanku doonaan inay Nabi Ciise Dilaan islamarkaan dabar gooyaan Diinkiisa iyo waxa raacsan, taasoo sababtay in Diinkaas dhabar jab weyn ku timaado uuna ku dhaawacmo gogoshii  uu ku dhashay, arintaasna waxaa kasii dhashay in ay dhibaato joogta ah daba taagnaato kuwii Rumeeyay Nabi Ciise Sadax Qarni in ka badan, taasoo sababtay  in ay dabar go’aan Culimadii Diinka dhaxlay Jiilba Jiil ayagoon Diiwaanin Injiilkii Nabi Ciise ilaa la soo gaaray Qarnigii Afaraad markaaso ay bilaabatay in Dadka qaar sameeyaan Qoraalo ay ka qoreen waxyaabihii ay ka maqleen ama arkeen  Diinkaas ayagoo hadana iswada khilaafsan qoraalada maadama uusan jirin Asal mid ah oo laga soo wada guuriyay.

Sidaa darteed ayaa waxaa Taariikhyanada Caalamka oo dhan isku wada raacsan yihiin inuu aad u qaldantahay qaabka loosoo Diiwaangaliyay Beybalada Nasaarada ayagoo qaarkood ayba aaminsan yihiin in si ula kac ah loo sameeyay khilaafaadka faraha badan ee ku qoran, halka Aqoonyahanka qaarkiisna qabaan inay qoreen Beybalka Dad aan Aqoon laheyn.

Labda arin mid ay tahayba waxaa hubaal ah inaysan ruuxna suuragal aheyn inuu ku doodo waa Qoraalo hal Asal kawada yimid ama mid ah maadama Qoraalkada Beybalada laba jeerba aan la xalin karin khilaafkooda.

Marka Koowaad: Beybal walba oo ka mid ah Beybalada Masiixiyada waxa uu khilaafsan yahay Beybalada kale, ayagoo ay weliba intaas usii dheer tahay in Kooxaha Diinta ee Masiixiyada isku khilaafsan yihiin tiro ahaan inta Kitaab ee saxda ah ama Muqadaska ah, arintaasoo mustaxiil ka dhigaysa in lees waafajiyo Qoraalada Beybalada ama la axadido tiro ahaan inta Muqadaska u ah.

Marka labaadna: Beybal walba waxaa uu khilaafsan yahay waxa Gudihiisa ku qoran ama Bog kasta oo Beybalka ka mid ah waxaa dhici karta in uu khilaafsan yahay Bogiisa kale, taasoo mustaxiil ka dhigaysa in ay qoraaladaas yihiin Waxyi Rabi ka yimid, Rabina yahay kan soo waxyooday hadaladaas iswada burinaya ama iskawada hor imaanaya ama isbeeninaya ee Beybalada bogagooda kala duwan ku kala qoran.

Dr Robert oo ah Qoraaga leh Buuga loo yaqaan Xaqiiqda Beybalka waxaa uu yiri: {Weligeedba lama Sheegin Kitaab ay ku jiraan iskhilaafsanaan iyo gafaf iyo Badalid ka badan Kitaabka Barakeysan (Cahdiga Cusub)} waxaa uuna ku sheegayBuugiisa Dr Robert: {in Madaxda Kaniisadaha ay qirsan yihiin inuu Kitaabkooda si ula kaca ah ugu dhacday Doorin, hase yeeshee waxa ay Madaxda Kaniisada isku khilaafsan yihiin Cida sameysay Taxriifka iyo Doorinta}.

Waxaa uu weliba Dr Robert leeyahay: {Qofna suura gal uma aha inuu Sheegto waligiis: inuu Allaah yahay kan wada Alifay dhamaan Kitaabkaan (Cahdiga Cusub) waxa ku qoran oo uu Alaah u waxyooday Taxriifaadkaas Qoraayaasha}.

Sidoo kalana waxaa uu leeyahay ninka la yiraahdo Kinneram: {Culimada Diinka ee Maanta jogtaa waa isku raacsan yihiin hal arin oo ah in Kitaabkii Muqadaska ahaa uu naga soo gaaray kaliya Qeybo aad u yar, oo uusan galin Taxriifka}.

Baadari la yiraahdo Chaplain Franj mar uu la doodadayay Sh Axmad Diiday [Allaha u Naxariistee] difaacayayna khilaafka baaxdaweyn eek u qoran Beybalka Masiixyada waxa uu ku dooday inay jireen duroofo sababay iskhilaafka ku qoran Beybalada asaga sheegay sababtu inay tahay: {… in ay jireen Dhibaatooyin heystay Masiixiyiinta mudo gaareysa 313 sano}.

Arinta uu sheegay baadarigaas amaba aan kor kusoo sheegnay marna qiil kuma heli karo Muqadasna masii ahaan karo Kitaab ay ku marag kacayaan kuwii aaminasanaa inay dhibaatooyin waa weyn soo gaareen Asaladoodii, maxa yeelay Diinba hadii ay arintu tahay waa inuusan soo galin shaki iyo muran ku saabsan Daliilada Caqiidada iyo Shareecada Diinkaas si loo aamini karo, hadiise taas la waayay macnaheedu waa in Diinkaas Nusqaan weyn ku jirto loona baahan yahay in la raadsado Diin Kaamil ah murana aan lahen Asalkiisa

Marka aqristow haka murgin adoo Muslim ah kuwa xaqa garab marsan daacayadaha ay faafinayaan, hana ka caroon adoo Xaq cad iyo Iftiin illlaah kuugu maneestay Filimo iyo Kartoono wax ma garad sameeyeen, iskana jir in wax shaki ah ku galiyaan kuwa Xaqa dhagaha ka fureestay ee Dacaayadaha danta mooday maadama ay waayahaan soo badanayaan ayagoo Xoriyad saxaafadeed ku gabanaya, ku dadaal inaad Cilmi iyo Caqli Fayoow ugu hiiliso Nabigaaga Saharfta badan iyo Dhamaan Nabiyada oo dhan Nabad iyo Naxariis korkooda ha ahaatee.

La soco maqaalkan qeybihiisa kale si aad uga bogato islamarkaana aad kaalin wanaagsan uga qaadato Difaaca Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee, waxaanan qeybaha soo socda kusii dhameestiri doonaa arimaha ku sabsan Diinka Islaamka waxyaabaha uu kaga duwan yahay Diimaha kale ee Caalamka ka jira inshaa Allaah…

W/Q: Sh Calinur Xoogsade
asadx@hotmail.com