Degmada Waaciye oo Si Weyn Looga Ciiday(Sawiro).

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Waaciye  ayaa maanta  si wayn ugu dabaal-dagay maalintii kowaad ee Munaasabada Ciidul Fidri xilli Muslimiinta ku nool adduunyada ay u dabaal dagayaan Munaasabada Ciida.

Dadweynaha oo ku tukaday Salaada Ciida Goob Fagaare oo ku taal Degmada Waaciye ayaa waxa kala qayb galay Maamulka degmada Waaciye,Nabadoono iyo Culumaa’udiin.

Ugu Horeeyn Waxaa Munaasabada Ciida ka dib Khudbad qiimo Leh ka Jeediyey Shiikh C/qaadir Maxamed Yusuf(Firin fir) isagoona ku dheeraaday Muhiimada Maalinta Ciida.

Sidoo Kale Waxa Madasha ka Hadlay Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre oo Dhamaan Ummada Muslimiinta ugu Hambalyey Munaasibada Ciida ,isagoona Dadweynaha Degmada Waaciye kula Dardaarmay Adkeynta Amniga iyo Kala Damaynta Deegaanka.

Ugu Dameyntii Waxaa Munaasabada ka Hadlay Duqa Degmada Waaciye C/salaan Bashiir C/salaan isagoona Hambalyo udirey Dadweynaha Muslimiinta Gaar ahaan Dadweynaha ku dhaqan Deegaanada Degmada Waaciye.

Gudoomiye C/salaan Mar uu ka hadlayay Amaanka Degmada Waaciye ayaa Waxa uu Sheegay in ay ku Howlan yihiin sidii ay Amniga Degmada u Xoojin Lahaayeen isagoona sheegay in Habeenkii Xalay ay ka Hor Tageen Fal Amaan darro oo Deegaanada Degmada ka dhici Lahaa.

Ugu Dameyntii Gudoomiye C/salaan Wuxuu Dadweynaha Degmada Waaciye ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Adkeynta Amniga Guud ee Deegaanada Degmada Waaciye.

SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG SAMSUNG