Beelaha Harti-Abgaal oo kulan ku yeeshay Guriga Cali Mahdi dhiliil xoogana u soo jeediyay dowlada Madaxweyne Xasan.

mahdi_1War Murtiyeed

Anagoo ah oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta Beesha Harti Abgaal Mudulood ee Qabiilka Hawiye waxaan si isku duuban u qireeynaa

 

1-    In taladii dalka Soomaaliya eey la wareegeen koox gaar ah oo fikir ahaan isku xiran, hadafkooduna yahay in eey weligood sii heeystaan maamulka dalka, kana qadiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed ee aan ku fikirka ahayn.

 

2-    Waxaan soo dhaweeyneeynaa horumarka xaga amniga ee caasimada Muqdishow oo runtii ah xaqiiqo aan la inkiri Karin.

3-    Waxaan ku talineeynaa in la xajiyo horumarkaas oo aan dib loo noqonon.

4-    Waxaan ugu baaqeeynaa hogaanka Dowladda Federaalka in eey ka fogaadaan wixii sii fogeeyn karo qabaa’ilka Soomaaliyeed lagana shaqeeyo iskusoo dhaweeyntooda iyo in xuquuqdooda si siman loo siiyo.

5-    Waxaan kaxunnahay oo aan cambaareeyneeynaa sida meel kadhaca ah ee Beesha Harti Abgaal looga qadiyey boosaskii shaqooyinka eey beeshu xaqa u leheeyd (sida beelaha kale ee Soomaaliyeed) in laga siiyo qeeybaha dowladda. Waxaan si gaar ah u cambaareeyneeynaa talaabadii uu madaxweeyne Xasan Sh. Maxamuud, madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ku baabi’iyey qandaraaskii dhismaha ee dowladii FKMG ee Soomaaliya eey siisey shirkadaa Al-Wahda Construction ee uu maamulaha kayahay Yuusuf Sheekh Maxamed Jimcaale. Shirkaddaas waxaa uu madaxweynihii hire ee DFKM, Sheikh Shariif Sheikh Axmed u saxiixay qandaraas 10 sano ah oo eey ku dhisi leheeyd hoteeladii waaweeynaa ee dowladu leheeyd ee ku bur buray dagaaladii sokeeye. Waxaa laga joogaa hal sano tan iyo markii qandaraaskaas lasiiyey shirkadda, waxana si sharci darro ah heshiiskaas u baabi’iyey madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

6-    Waxaan ugu baaqeeynaa maxweynaha Dowladda Federaalka in uu ixtiraamo heshiisyadii eey gashay dowladii ka horreeysey midda uu hadda madaxweynaha kayahay, waxaana ka dalbaneeynaa in uu si degdeg ah uga laabto go’aanka uu uga joojiyey shirkadda Al-Wahda hoowleheedii. Waxaan ka codsaneeynaa madaxweeynaha in arrinta uu u gudbiyo garsoorka dalka si deg deg ah, maadaama isagu uusan xaq u leheeyn in uu go’aan ka gaaro arrimaha noocaas oo kale ah.

7-    Madaxweynaha intaas kuma ekeysan ee wuxuu wadaa qorshe uu qandaraaskaas ku siinaayo shakhsiyaat eey jufo hoose isku yihiin oo aan heeysanin wax aqoonsi ah, waa in cadaaladda iyo sinnaantu astaan noo noqdaan hadii aan dooneeyno horumar.

Nabadeey

February 19, 2013

 

 

Mahdi Xaaji Xuseen

Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada

 Beesha Harti-Abgaal

 

Nabadoon Cali Sabriye Kaliil

Gudoomiyaha Gudiga Dhaqanka

Beesha Harti-Abgaal

 

 

 

 

 

Wixii faah-faahin ah kala xariir Ibrahim Sheikh Muxudiin

Mobile: +252615549715

E-mail: binsheikh2001@hotmail.com