Raadreeb

Dowlada Russia oo Gantaalo Casri ah Siisay Syria.
Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Mareykanka ayaa ku tilmaamay shixnad gantaala ah oo Rusia ay u dirtay Syria mid ku soo beegmay waqti xun nasiib darana ah.

Gudoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, General, General Martin Dempsey, ayaa sheegay arbacadii shalay in gantaalahan ay geesinimo gelin doonaan Madaxweyne Asad isla markaana ay sii daba dheereyn karaan rafaadka ka taagan Suuriya.

Waxa uu sheegay in Mr. Assad laga yaabo inuu ku fekerayo in gantaalahaasi ay si un uga dhigi karaan mid ku sii dhiirada xasuuqa uu ka wado Suuriya iyo in xukunka uu ku sii dhegenaado.

Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in Gantaalaha oo nooca Cruiska ee maraakiibta lagula diriro ah ay yihiin kuwo ka casrisan hubkii ay Raashiya horey u siisay Suuriya.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay fulineyso heshiis dhinaca hubka ah oo ay horey ula gashay Syria, isla markaana aysan dan ka laheyn Mr. Asad oo xukunka sii heysta.

Dowladdaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa ka wada shaqeynaya sidii ay isula meel dhigi lahaayeen shir caalami ah oo nabadeed arimaha Suuriya laga yeesho bisha soo socota.

Kulankaasi ayaa isu keeni doona Mucaaradka iyo dowladda Suuriya, isla markaana u gogol xaaraya dhismaha dowlad cusub oo ku meel gaar ah.

Bille Qabowsade”Madaxda Dowladda Federaalka waa halkii ay ku waayi lahayeen Xukunkooda Faragelinta Jubbaland.
Waxaa mudan soo dhaweyn dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland, oo 15/05/2013 loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Madoobe, taasoo dhamaan dal iyo dibad loo bogaadiyey doorashada loo doortay Maamulka cusub ee Jubbaland.

Shirweynihii Jubbaland ee lagu doortay Axmed Madoobe wuxuu soo socday muddo shan bilood ku dhow, taasoo la tilmaamay in dhaqaale ka badan 2 Milyan oo dollar qarash dhan ku baxay dhismaha iyo taabagelinta Maamulka Jubbaland ee gabagabadii dhalay madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, lana filayo dhawaan dhamaystirka golaha xukuumadda Maamulka Jubbaland, tanoo ah guul wax ku ool ah oo mudan sharaf iyo amaan dadkii u dhabar adeegay dhisida maamul deegaan Colaad ka soo kabanaya muddo 22 sanno kadib isku xilqaamay iraadadooda inay maamul loo dhan yahay ku dhistaan.

Aniga layaan iguma aheyn doorashadii Axmed Madoobe kadib ,dhawaaqii iyo qash qashadii Hogaamiye kooxeedkii Dooxada Jubba Barre Hiiraale ka soo yeertay oo sida iskiis ah isku doortay Madaxweyne Jubbaland, waxaana taas u arkaa aniga sheegashadii C/nuur darmaan nin la oran jiray oo Muqdisho Madaxweyne Soomaaliyeed sheegtay xilligii C/qaasim Salaad Xasan tuulada Carta ee Dalka Jabuuti Madaxweyne loogu doortay Sanadku marku ahaa 2000, kaasoo xaafad ka mid ah Muqdisho guri weyn ku qortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya C/Nuur Darmaan, Barre Hiiraale manta wuxuu ka dhigan yahay xilligaas C/nuur darmaan halkii uu taagnaa, waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in xaalado dhanka Caafimaadka laga yaabo in ay wax ka jiraan dhanka maskaxda.

Barre Hiiraale dembi malahan waayo waxaa ku weyn oo uu ka samri layahay Jaceylkii Dooxada Jubba u qabay iyo Kismaayo oo la orankaro cudur maskaxda kaga dhacay ayaa keenay sheegashada Madaxweyne Jubbaland, lakiin waxaa aniga aad ula yaabanahay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo carqalad iyo qas iyo jahawareer xoog leh ku haya Jubbaland iyo dadka degan.

BARRE Hiiraale waxaa dooni soo saaray Madaxweyne Xasan sheikh, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Rag ka tirsanaan jiray Dooxada Jubba oo xiliyadii qab qablayaasha colaad xoog leh ku hayey Kismaayo iyo Deegaanka Jubooyinka, waxa ay taasi u muuqataa mid Barre Hiiraale loo soo diray inay carqalad iyo caqabad looga dhigo dhismaha Jubbland oo waqti, dhaqaale iyo dib u xoreyn dhiig badan ku daatay ku kacday heerkan in ay soo gaadho manta.

Haddaba, waxaa soomaalida ku maah maahdaa “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay” Dowladda Federaalka waxay hadda marayaan in ay qiil ka dhigtaan laba maamul ayaa meesha ka jira taasoo xataa caruurta yar yar dareemikaraan waxa meesha ka dhacay iyo waqti dheer dadaal ku baxay in maamul Madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe, taas ayaana shaqeynaysa oo sharci, waayo wuxuu helay kalsoonida shacabka Jubbaland.

Madaxda sare Soomaaliya waxa weeye kuwo Macalimiin ka ahaa Machad ku yaalay Muqdisho oo samad lagu magacaabo, waxaana mooda in ay Siyaasadda Soomaaliya tahay Arday Iskuul dhiganaysa oo ay cashar u yeerinayaan, taas ayaan orankaraa waa biseyl la aanta iyo xal u helid la aanta khilaafyada sidii loo xalin lahaana ku adag. Sheekh Shariifow XAAL QAADO Madaxweyne Qaran ayaad aheyd.

Gabagabedii waxaan oran lahaa Tani waxay caqabad ku noqonaysaa Madaxda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Xukuumadda Raysal wasaare Saacid, waxa ayna ku waayi doonaan xilalkooda ama xukunka loo doortay Faragelinta ay ku hayaa Jubbaland, taasoo u muuqata tii ay ku hayeen xiliyadii Dagaalada sokeeye Hogaamiye kooxeedyo muqdisho hub , Saanad Militeri iyo Ciidamo soo siinayey Barre Hiiraale oo colaad iyo dagaalo ka waday deegaanada Jubbooyinka, taasoo u baahneyd in maanta hab dowladeed loola dhaqmo Jubbaland ee aan loola dhaqmin hab dhaqankii Qabqablayaasha Muqdisho ku caawinayeen Colaada Sokeeye ee Barre hiiraale. Haddii carqalada iyo faragelinta Jubbaland sii socoto waxaa laga dhaxli doonaa mid saameysa dhamaan Hanaanka Dowladeed ee Soomaaliya iyo wadamada derska la ah Soomaaliya.

Bile Maxamud Qabowsade

Bosaaso, Puntland, Somalia

Email: bqaboowsade@gmail.com

Prof.Jawaari oo Casho Sharaf u Sameeyey Wafdi ka socday Jaamacada Carabta(Sawiro).
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xaruntiisa  magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan, wafdigaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Casho sharafta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada ah Baarlamaanka Soomaaliya, Wafdiga ka socda Baarlamaanka Carabta,safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada Gole ee Dowladda.

Ugu horeyn Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd oo ka dhacday guriga Martida ee magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu tilmaamay iney sharaf weyn u tahay Gudoonka iyo Baarlamaanka Soomaaliyaba iney magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyaan wafdigan ka socda Baarlamaanka carabta waxaana uu Xusay Mudane Jeeylaani in talaabadani ay bilow u tahay xiriirka iyo wada shaqeynta adag ee Baarlamaanka Soomaaliya uu la yeelanayo Baarlamaannada Caalamka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna dhankiisa khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Xildhibaannada Carbeed ee la socda socdaalka ay ku joogaan magaalada Muqdisho waxaana uu Gudoomiyuhu xusay iney tahay tani taariikhda markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda Baarlamaanka ay Soomaaliya amaba Muqdisho yimaadaan.

“isweeydiin malahan iney Soomaaliya u baahantahay walaal maanta si dhab ah ugu duubta oo la gala halganka iyo hayaanka aynu ku jirno ee aynu dib ugusoo celineyno sharafta,dowladnimada iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed, waxeynu yeelanay wadahadallo kooban waxaana howsha aynu ku jirno ay tahay sidii aynu wada shaqeyn adag ula yeelan laheyn dhammaanba Baarlamaannada Caalamka” ayuu ku yiri Khudbadiisa Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacbiga Soomaaliyeed sida weyn ee loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho waxaana uu xusay in hada ay indhahooda ku arkeen hormar baaxad leh oo ka jira Soomaaliya kaasi oo ku yimid hormarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay waxaana uu dhanka kale xusay iney ka go’antahay sidii ay walaalahooda Soomaaliya u garab taagnaan lahaayeen.

Wafdigan ka socda Baarlamaanka Carabta ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda ayaa magaalada Muqdisho ku jooga booqasho rasmi ah taasi oo ka dambeysay kadib markii ay casuumaad u fidiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Wafdigiisa ay saakay oo Sabti ah booqan doonaan xarunta Golaha Shacabka ayaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la hadli doona.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wafdi ka Socda Urur Goboleedka IGAD oo Madaxda Jubbaland la Kulmay.
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.

Xaliimo Soofe oo Tix Buraanbur Taageero ah u dirtay Madaxweyne Axmed Madoobe(Video).
Xaliimo Soofe ayaa Tix  Buraanbur taageero ah u dirtay Maamulka cusub ee Jubaland,Gaar Ahaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe.

Halkaan Hoose ka Daawo Tixda Buraanburka Taageerada Ah.

Saxafiyiinta Galmudug oo tababar Gaalkacyo loogu soo xiray(Sawiro).
Saxafiyiinta Galmudug ayaa tababar Gaalkacyo loogu soo xiray.

Saxafiyiinta Galmudug ee ayaa manta magaalada Gaalkacyo loogu soo
gabagabeeyay tababay ay u qabatay hay’adda Relief International.

Tababarkan oo mudo labo bari ah ka socday Hotel Embasy ee Magaalada
Gaalkacyo ayaa wuxuu ku saabsanaa horumarinta saxaafada waxaa
bixinayay khuburo dhinaca saxaafada ah iyo hawlwadeenada Hay’adda
Releif International ee Mashruuca Media-yaha.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen saxafiyiin farabadan oo ka socotay
warbaahinta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa furitaankiisii
ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Maxamud Axmed
(Baasto), Guddoomye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug
Axmed Shire, Xildhibaan Cilmi Kulan Geedi oo ka mid xildhibaanada
Baarlamaanka ee Galmudug ahna khabiir dhinaca Saxaafada ah iyo xubno
kaloo farabadan.

Tababarkan oo loogu magic daray Media Development Workshop ayaa intii
uu socday waxaa lagu soo bandhigay duruus iyo dodo la xiriirta
Warbaahinta, siyaabaha ay u shaqayso, Horumarka ay samaysay
mudooyinkii ugu dambeeyay, Mabaadiida Asaasiga ah ee
Saxaafada, Saxafiga Wanaagsan iyo waxa laga doonayo, Xoriyada
Saxaafada, Saxaafada iyo Technologiyada, Qaybaha Saxaafada, Caqabadaha
Saxaafada horyaala iyo mawduucyo kaloo farabadan.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirkan socday waxay ka
qaybgalayaashu iswaydaarsadeen aqoontooda iyo afkaartooda mawduucyada
xirfadoodan Saxaafada ku salaysan.

Inkastoo uusan ahayn Tababarkii ugu horeeyay ee hay’adda relief
International ka fuliso deegaanada Galmudug, hanadana sida ay
Masuuliyiinta hay’addu sheegeen wuxuu qayb ka yahay Mashruuca
MEDIA-yaha ee hay’addu ay ku horumarinayso Saxaafada Puntland iyo
Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug axmed Shire
oo shirkan ka hadlay ayaa aad ugu dhiirigaliyay saxafiyiintan shaqada
ay bulshada u ahayaan, wuxuuna tusaaleeyay sidii ay u shaqayn jirtay
Saxaafadii bari-samaadkii iyo Erey bixinta ay isticmaali jirtay.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay dhalinyaradan in ay
shaqadooda ku dabakhaan aqoontii ay faa’idaysteen mudadii uu
tababarkani socday, wuxuuna u sheegay in ay yihiin kuwa bulshada ku
haga wada wanaagsan ee horumarka leh.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Galmudug mudane Axmed Maxamuud Axmed
(Baasto) oo kulan furitaankiisii iyo gabagabadiisiiba hadalo ka
jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay hay’adda Relief International
kuna amaanay dadaalka dhiiran ee ay uga qaybqaadanayso horumarinta
Saxaafada Galmudug.

Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Garoowe ka Dhacay.
Magaalada Garowe ayaa Waxa ka dhacay Maanta banaanbax balaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmed Madoobe oo laba maalmood ka hor loo doortay hogaaanka maamulkaasi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb qaatay oo ku jireen odayaal ,dhalinyaro iyo ururada haweenka ,waxana ay isla jiibinayeen hadalo ay ku taageerayeen maamulka iyo madaxweynaha cusub ee Jubaland.

”Mudaaharaadkan aan isku soo baxnay waxaan ku taageeraynaa maamulka iyo madaxweynaha Jubaland oo haya wadadii federaalisimka loo dhaqan gelin lahaa” ayay tiri Faadumo Cabdiqaadir oo ka mid ahayd qaban-qaabiyaasha dibadbaxan.

Dadkii ka qayb qaadanayey mudaaharaadkan ayaa ku booriyey DF Somalia inay dhowraan go’aanka dadka degan goboladaasi ay ku dhisteen maamul goboleed waafaqsan Dastuurka.

Waxay ku tilmaameen doorashada Axmed Madoobe mid waji-gabax ku noqotey kooxo ay ku tilmaameen inay doonayeen fashilka shirka Kismayo ee dhismaha Jubaland.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Jubaland ayaa hanbalyo iyo tahniyad waxa gaarsiinayay maamulkaasi dadweynaha Soomaaliyeed ee nabada jecel,horey ayaa madaxda iyo shacabka Puntland u bogaadiyeen doorashada Axmed Madoobe oo ku tilmaameen guul u soo hoyatay Somalia.

Somali-land oo xirtay Xuduudaheeda Badda ,Dhulka iyo Cirka.
Maamulka Somali-land ayaa ku dhawaaqay in ay xireen gebi ahaan xuudadaha maamulkaas ee cirka, dhulka iyo badda.

Wasiirka arimaga gudaha maamulka Somali Land, Maxamed Caraale Nuur Duur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Burco ka sheegay, in maanta oo Jimco ah iyo gelinka hore ee Sabtida berri ah ay xireen guud ahaan xuduudaha maamulka Somali-land.

Wasiirka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada loo hakiyay sababo la xiriira xaqiijinta amniga xilli lagu guda jiro diyaar garow xuska 18-ka May oo ah maalintii maamulka Somali-land sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Caraale Nuur Duur ayaa ugu baaqay in shacabka dulqaataan maalmaha ay socdaan howl-gallada, isagoo ka codsaday in ay garab siiyaan ciidamada si amniga loo adkeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socda urur goboleedka IGAD.
Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socda urur goboleedka IGAD

Muqdisho, 17, May, 2013….. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay wafti ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

Waftigaan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyey shirkii madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ay ku yeesheen 3-dii Maajo magaalada Addis-Ababa, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka.

Ugu horayntii Eng. Maxbuubu Macalim oo ah xoogyaha guud ee urur goboleedka IGAD oo waftiga hogaaminaya ayaa ka war bixiyey u jeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen magaalda Muqdisho.

“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku bahobay dalada IGAD, imaatinkayguna wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Ilaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulamo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS” ayuu yiri Eng, Maxbuub

dhanka kale Wasiirka Warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in ay dowladu u gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada, dowladuna ku salaynayso qorshaheeda war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimimaadeen madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab 3-da May.

Ugu danbayntii shirkaan ayaa waxaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgalinayaa dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.

DHAMAAD.

South Korea restores diplomatic relations with Somalia.
South Korea restores diplomatic relations with Somalia

(Thursday, May 16, 2013, Mogadishu, Somalia) The South Korean Ambassador, H.E. Kim Chan-Woo, presented his credentials to H.E. Hassan Sh. Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, in Mogadishu today.

The Deputy Foreign Minister, Jamaal Mohamed Baarow was also in attendance.

The newly appointed Ambassador was received in Villa Somalia, where the President briefed him on his Government’s policy priorities of security, judicial reform, public financial management, and social development. “Security is our absolute priority and we’ve made major achievements towards a safer Somalia, however, more needs to be done”, said President Hassan.

“No country ever came back from such civil strife without the support of the International Community. The Government of Somalia will be at your disposal and we are committed to improving our bilateral relations with South Korea.”

ENDS

For further information or enquiries please contact Malik Abdalla, Communications Director, by email on mabdalla@presidency.gov.so.